Kulamo Siyaasadeed oo si weyn looga horjeedo dowladda Soomaaliya ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho Saacaddihii ugu dambeeyay , waxaana kulamo kala duwan ay ka socdaan hoteellada Muqdisho.
Xildhibaanada labadda Gole ee dowladda dhexe ee Soomaaliya qaarkood ayaa Muqdisho ka wadda Kulamada, waxaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku eedeeynayaan in ay baalmartay dastuurka dalka u yaalla.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed xaalada uu dalka marayo, iyagoo soo hadal qaaday qaar ka mid ah qodobada dastuurka oo ay ku eedeeyeen in Madaxda dowladdu ay baalmareen, taasoo ay ku tilmaameen khiyaano Qaran.
Waxa ay caddeeyeen in Madaxweynuhu dayacay mas’uuliyaddii waajibaadkii masiiriga ahaa ee loo doortay, sida Ilaalinta Dastuurka iyo shuruucda dalka.

