Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xiisad ka taagan Caabud-waaq

Caabud-waaq-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Gagaduud ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii shalay Degmadaasi uu ka dhacay Dagaal Beeleed.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in saakay xaaladu ay tahay mid aan sal badan ku fadhin, maadaama weli dhinacyadii dagaalamay ay is horfadhiyaan, sidoo kalena la filan karo Dagaal kale.

Waxgaradka Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa saakay wada kulamo gaar gaar ah oo ay kaga hadlayaan sidii loo kala qaadi lahaa Beelaha walaalaha ah ee halkaasi isku horfadhiya.

Shalay Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay Dagaal Beeleed ay ku dhinteen 6 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 10 QOf oo kale.

Exit mobile version