Barcelona ayaa xiiseyneysa daafaca kooxda Arsenal Hector Bellerin,. Daafaca dambeedka midig ee 20-sano jirka ah ayaa mustaqbalkiisa Barca kasoo baxay ,ka hor inta uusan ku biirin Gunners 2011. (Sport, via Daily Star)
Manchester United iyo Manchester City ayaa labaduba dalab u diray 25-sano jirka daafaca dambeedka bidix ee kooxda Juventus Alex Sandro,Kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa ku qiimeysa daafacan £ 35m. (Calciomercato, via Express)
Kabtankii hore ee England Steven Gerrard, oo 35 jir ah, ayaa sheegay in xilli ciyaareedkan horyaalka Major League Soccer laga yaabaa inuu yahay kisii ugu dambeeyay, Ciyaaryahanka khadka dhexe ee LA Galaxy ayaa diyaar u ah inuu tababare noqod (Daily Telegraph)
England waxaa laga yaabaa in amar kale martigalinta koobka adduunka ee 2030 ka dib markii doorashada Gianni Infantino ee Madaxweynaha Fifa, ay ka dhigtay mid isku soo dhaweysa Fifa iyo Gudoomiyaha FA Greg Dyke. (Sky Sports)
Manchester United ayaa dooneysa inay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Werder Bremen Johannes Eggestein. oo17-sano jir ah kasoo dhaliyay 69 gool 71 kulan oo uu usaftay kooxdiisa. (Weser Kurier, via Daily Star)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Rolando Aarons, oo 20 jir ah, waxa doonaya kooxaha Arsenal, AC Milan iyo Juventus a (Tuttomercatoweb, via Newcastle Chronicle)
Liverpool weeraryahankeesda Daniel Sturridge,oo 26 jir ah, waa weeraryahanka ugu fiican English – marka uu taam yahay sida uu sheegay daaficii hore ee Reds Jamie Carragher. (Daily Mail)
West Ham ayaa kalsooni ku qabta khadka dhexe ee Cheikhou Kouyate, oo 26 jir ah, iyo Manuel Lanzini, oo 23 jir ah, inay kooxda u saxiixan heshiis cusub bishii March. (London Evening Standard)
Antonio Conte, kaasoo la saadaaliyay inuu noqon doono tababaraha xiga ee Chelsea ayaa, cawiyihiisa koowad ka dhigan doona Steve Holland oo qayb ka ah shaqaalaha tababarka. (Daily Telegraph)
Everton ayaa £ 10m ku dooneysa goolhayaha Cardiff City David Marshall,oo 30 jir ah waxaana ay ku bedeli doonaan Tim Howard, oo 36 jir ah, kasoo lagu wado inuu u dhaqaaqo kooxda Major Soccer League ee Colorado Rapids xagaaga dambe. (Mirror)
Weeraryahankii hore ee Swansea Michu,oo 29 jir ah, ayaa sheegay in riyadiisa ay tahay inuu u ciyaaro kooxda mar kale. Xiddiga calamiga ah ee Spain ayaa ka soo tagay Swansea November, waxaana hadda uu u ciyaaraa kooxda UP Langreo ee ka dhisan heerka Afaard ee Spain.(South Wales Evening Post)
daafaca bidix ee Bournemouth Charlie Daniels, oo 29 jir ah, ayaa la filayaa in looga yeero xulka England, (Bournemouth Daily Echo)
