Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha oo maanta dhaceysa

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la’ah Soomaaliya, Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale Munaasbadan ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu qorshuhu yahay.

Xubno ka mid ah Guddiga qaban qaabada Caleemo Saarka Madaxweynaha ayaa Risaala u xaqiijiyay in Munaasabadan ay bilaaban doonto 11:00 barqanimo, sidoo kalena la soo gaba gabeyn doono 03:00 Galabnimo.

Inta ay socoto Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa Masraxa lagu soo bandhigi doonaa suugaanta wadaniga ah iyo ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah, si marti sharafta Munaasbada ka soo qeyb galeysa ay u helaan wati madadaalo ah.

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa aad u adkeeyay ammaanka Magaalada Muqidsho, gaar ahaan goobta lagu qabanayo Munaasabada, si looga hortago Arbushaad dhacda xilliga xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Exit mobile version