Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xabad joojinta Suuriya oo xalay dhaqan gashay

Heshiska lagu joojinayo dagaalka dalka Suuriya ayaa hadda dhaqan gal ah, iyadoo UN ay ku boorineyso dhinacyada inaysan jebinin qodobada heshiiska.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Suuriya, Staffan De Mistura waxa uu sheegay in seddax daqiiqo kaddib xilligii dhaqan galka xabad joojinta, waxaa lagu soo waramay in Darca iyo Dimishiq ay isu badaleen dhul xasilloon.

Wadahadallada nabadda ayaa lagu wadaa inay dib uga bilowdaan magaalada Geneva, todobada bisha Maarso.

Safiirka Suuriya ee Qaramada Midoobeey, Bashar al-Ja’afari waxa uu golaha amniga u sheegay in dowladda ay xaq u leedahay inay ka jawaabto gardaro kastaa oo oga timaada wax uu ku sheegay “argagixisada”.

Kooxda mucaaradka Suuriya ugu wayn waxa ay sheegtay in inkabadan boqol koox oo mucaarad ah ay isku raaceen inay u hogaansamaan qeyb ka mid ah xabad joojinta Suuriya.

Laakiin guddiga dhexdhexaadinta waxa ay sheegayaan in beesha caalamka looga baahan yahay inay xaqiijiso in dowladda Bishaar Al Asad iyo xulafadeeda aysan weerarin mucaaradka qunyar socodka ah, ayadoo lagu andacoonayo inu argagixiso la weeraray.

Iyadoo la gaaray xilliga dhaqan galka xabad joojinta, diyaaradaha dagaalka ee Ruushka waxa ay sii wadeen duqeynta ka dhanka ah mucaaradka.

Ciidamada dowladana waxa ay sheegeen inay dhul horleh qabsadeen, gaar ahaan deegaano ka tirsan Xalab.

Exit mobile version