Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xabad joojin la kala dhex-dhigay maleeshiyaad dagaalamay

Ka dib, dadaalo isdaba joog ah oo uu hor kacayeen wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf al-Caddaala & Xildhibaan Odawaa ayaa ugu dambeyn odayaasha beelaha ku dagaalamay degaanka Xanan-Buure ee gobolka Galgaduud ogolaadeen xabbad joojin.

Dadaalada nabadda wasiir ku xigeenka waxaa ku wehliyay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Degaanka Xanan-Buure, waxaa ku dagaalamay beelo walaalo ah oo halkaas wada dega, mas’uuliyiinta ku baxay colaadaas ayaa dhinacyada ku qanciyay in ay saxiixaan xabbad joojinta si nabad loogu soo dabaalo degaanka.

Exit mobile version