Xaaska ciyaariyahanka kooxdda Chelsea Cesc Fabregas ayaa ku qosashay wararka sheegaya inuu ninkeedu ku biiraayo kooxda AC Milan suuqa jiilallka ee bisha Janaayo.
Daniella Semaan waxa ay sheegtay iney la yaabtay sida ay dadka ugu fududahay iney arintan faafiyaan.
29 jirka reer Spain ayaa ugu dhibaatoonaaya garoonka Stamford Bridge kadib markii uu ku dhacay inuu noqdo dooqa tababaraha Chelsea Antonio Conte.
Kooxdda AC ayaa maalmahan waday qorshe ay kusoo qadaneyso laacibka Spain, wakiilo ka socda Milan ayaa daawanayay maalmahan kulamada Chelsea si ay hubiyaan xaaladda Cesc.
Si kastaba Daniella Semaan oo hada uurka cunugii sadexaad u leh Cesc Fabregas ayaa Twitter-ka ku beenisay arintaan.
“Ma sidaas fudud ay sare ugu kaceen shekooyinku maalmahan , ma xaqiiqbaa inuu Cesc aadaayo Milan, fadlan qaladka dhaafa ayey tiri.
