Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaalada Magaaladaasi ay tahay mid degan.
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa shalay ku dagaalamay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wariyaha Risaala ee Gobolka Mudug ayaa wuxuu soo sheegayaa in saakay xaaladu ay tahay mid degan, inkastoo weli labada dhinac ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.
Dadkii deganaa Magaalada ayaa isaga barakacay kol hore, waxaana sidoo kale la sheegayaa in maanta ay jiraan dadkale oo ka barakacaya xaafadaha ay colaada ka jirto.
