Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Weriye Abdikarim Abdirahman Hersi oo lagu weeraray Xafiiskiisa oo ku yaala Muqdisho.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee maanta waxaa ay weerar ku qaadeen weriye lagu magacaabo Abdikarim Abdirahman Hersi, oo ka tirsan warbaahinta DANAN.

Sababta ka dambeysay weerarka ayaa lagu sheegay mid la doonayay in la xiro weriyaha, xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa la sheegay inuu horey u tabiyay warbixino la xiriira arrimo musuq-maasuq ah oo ku saabsan agab caafimaad, kuwaas oo la sheegay in laga leexiyay meelihii loogu talagalay, islamarkaana lagu iibinayo suuqyada magaalada.

Falkan ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira cadaadiska lagu hayo warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya, taasi oo dhalinaysa walaac ku saabsan mustaqbalka xorriyadda hadalka ee dalka.

Exit mobile version