Wararka naga soo gaaraya degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe ay Al-Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadeen degmadaas.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in hoobiyeyaasha ku dhaceen bannaanka hore ee Saldhigyada Ciidamada, hayeeshee weli aan la shaacin khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas.
Sidoo kale Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa dhankooda uga jawaabay weerarka Al-Shabaab hoobiyeyaal ay ku garaaceen goobha ay Al-Shabaab madaafiicda kasoo tureen.
Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Ceeldheer ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii hoobiyeyaashii ay kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana xaaladda degmada ay tahay mid wanaagsan.

