Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus oo qarax ku bilowday ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa bannaanka degmada Moqokori.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ka bilowday qarax ismiidaamin ah, iyadoo la adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Gaarigaasi ayaa lagu dhuftay goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo goobta ku sugnaa.
Qaraxa kadib, waxaa bilowday dagaal culus oo xiligan ka socda deegaanka Gumare ee degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, kaasoo u dhexeeya ciidamada weerarka lala beegsaday iyo maleeshiyadii Al-Shabaab ee weerarka fulisay.
Goob joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku yahay mid culus, islamarkaana wali rasaas laga maqlayo halka uu qaraxu ka dhacay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo warinayaa, inkastoo aan wali la helin tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ka hortagay weerarka maleeshiyaadka Al-shabaab ay soo qaadeen, iyadoona halkaasi khasaare lagu gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda.
Wixii ku soo kordha la soco.

