Wararka naga soo gaaraya Galbeedka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaad isbaaro dhigtay degaanka Caloola Cad oo qiyaastii 15 KM u jira ee Magaalada Baledweyne.
Mid ka mid ah Raggii ay isbaaradu u taallay ayaa ku dhintay Weerarkaasi , halka mid kale uu ku dhaawacmay.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Guurey ayaa sheegay in dadka ku dhintay Weerarkaasi ay ahaayeen Maleeshiyaad ay Isbaaro u taallay.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in goobta weerarka lagu qaaday ay Barkontorool u aheyd ciidanka dowladda Soomaaliya.
