Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Weerar Khasaare geystay oo ka dhacay Bariga Mudug

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ka dib markii dabley hubeysan oo xoolo dhaqato ah ay weerar ku qaadeen Gaari maraayay Agagaarka degaanka Godod ee gobolka Mudug.

Dableyda Hubeysan ayaa beegsaday Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Waxaa sidoo kale Weerarkasi ku dhaawacmay ku dhawaad 7  qof.

Saraakiil ka tirsan maamulada Puntland ayaa Galmudug ayaa Risaala u sheegay in dadka la dilay iyo kuwa wax dilay ay ahaayeen xoolo dhaqato.

Guddigii dhawaan loo xil saaray Nabadeynta Galmudug ayaa lagu waddaa in ay dhawaan gaaraan goobta ay wax ka dhaceen.

Magaalada Gaalkacyo dhanka Waqooyi Isbitaal ku yaalla ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyadda dadkii la weeraray.

Exit mobile version