Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Özil oo loo tilmaamay halka waddo ee uu ku ilaashan karo mustaqbalkiisa Arsenal

Waxaa soo if baxday in Macallin Unai Emery uu cadaadis saarayo xiddigga khadka dhexe ee Mesut Ozil, kaasoo aan dabiici u ahayn in kubbadda uu raacdeeyo.

Laacibkii hore ee Real Madrid ayaa booskiisa safka koowaad shaki lagaga gelinayaa iyadoo kullankii Gunners ay garaacday West Ham uu seegay.

Macallinka Arsenal hooggaamiya ayaa shaaca ka qaaday in laacibka isaga fariistay qaranka Germany uu xanuunsanaa, sidaas darteed uu xamili waayay tababarka iyo inuu kullanka ka qayb qaato.

Hase yeeshee, waxa uu Özil u sheegay inuu noqdo mid u ciyaari kara qaab raacasho ah haddii ay kooxda uga baahato, taasna ay tahay waddada uu ku difaacan karo booskiisa.

Kubbad sameeyahan cajiibka ah ayaa ka mid ah xiddigaha mushaarka ugu badan ka qaata Emirates, isagoo bishii January saxiixay heshiis uu toddobaadkii ku qaadanayo £350,000.

Daily Mirror ayaana ku warramaysa in Unai Emery uu Mesut u sheegay inuu booskiisa lumin doono haddii uusan si adag u shaqeyn.

Exit mobile version