Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad balaaran oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Waxgarad, Odayaal, Haween, Dhalinyarao iyo xubno kale.
Munaasabadan ayaa wuxuu ujeedkeeda ahaa Caleema saarka Nabadoonka Beesha Cali Muuse Cabdulle (Ibraahim Maxaa Dheere), Nabadoon Cumar Maxamed Cadow (Cumar Dhegey).
Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Nabadoonka ugu baaqay in uu ka shaqeeyo cadaaladda iyo sidii uu u noqon lahaa qof ka soo baxa masuuliyadii loo igmaday, dhanka kale Nabadoonka oo hadlay ayaa balan qaaday inuu ka soo bixi doono shaqada cusub ee uu qabtay.
