Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan

Wasiirka Caafimaadka Dr Fawziya Abiikar Nur ayaa Maanta booqasho ku tagtay Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer).

Wasiirka ayaa kormeertay qeybta caruurta si ay ugu kuur gasho daryeelka caruurta u baahan daawaynta heerka labaad iyo seddexaad ee uu isbitaalkaas takhasusiga ah bixiyo.

Wasiiradda ayaa ka dhagaysatay dhaqaatiirta iyo howl wadeenka warbixinnada shaqada, caqabadaha jira iyo dar dargalinta howlaha daryeel bixinta caruurta.

Isbitaalka ayaa ku shaqeeya protocol iyo hishiis wada shaqayn iyo howlgalin oo ka dhexeeya labada wasaaradood Ee Caafimaad ee Turkiga iyo Somalia.

Exit mobile version