Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wafdi ka socda Dawlada Federaalka oo ku wajahan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa ku sugan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku sii jeeda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed ayaa utagaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan si uu qeyb uga howl-galka ka dhan ka ah Al shabaab ee ka socdo degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wasiirka Batroolka iyo Macdanta  xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed  ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan u tagaya soo dhaweynta Wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo la filayo in maalinta Beri ah ay gaaraan degmadaas  si uu halkaas uga bilaabo abaabulka  dagaal ee  ka dhan Alshabaab

Exit mobile version