Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ka socda diyaar garowga Shir lagu waddo dhawaan in ay halkaasi ay ku yeeshaan Wasiiradda Amniga maamul goboleedyadda.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb gali doona Taliyeyaasha Ciidamada maamulada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland.
Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo dhisi lahaa Ciidan ay leeyihiin maamul goboleedyadda ee ka kooban 4 kun oo Askari.
Wasiiradda Amniga ayaa sidoo kale noqon doona Golaha Amniga maamul goboleedyadda,iyadoo sameysan doona Gole hoos yimada kuwo hadda ay leeyihiin maamul goboleedyadda.
Shirkaan waxaa marti galin doonta Jubbaland,xilli Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah loo dhiso Ciidankaasi si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

