Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiir Yuusuf Garaad oo la kulmay Madaxweynaha Seychelles

SeychellesRisaalaFM- Madaxweynaha Jasiirada Seychelles Danny Faure ayaa gelinkii dambe ee Isniintii xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Seychelles, wuxuuna Madaxweynuhu xusay in uu ku faraxsan yahay in wafdi Soomaaliya ka socda oo heerkan ah uu dalkiisa soo booqdo.

Wuxuu sheegay in weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo shacabka Seychelles ay qabaan, Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u dhiirranayd.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Seychelles uga warbixiyay isbeddellada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo in horumar ay ka sameyneyso dhinaca maamulka iyo dhismaha hey’adaha Dowladda.

“Waxaan isla qirnay sida loogu baahan yahay in ay labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles, Madaxweynuhu wuxuu xusay in nabadgelyadu aanay ahayn berriga keliya ee biyaha badda loo baahan yahay in si nabadgelyo leh looga faa’iideysto”. Ayuu yiri Wasiir Yuusuf Garaad.

Labada masuul ayaa ugu dambeyn isla soo qaaday sidii ay isaga kaashan lahaayeen aqoonta ka manaafacaadsiga badda, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga ah iyo maxaabbiista Soomaaliya ee ku xiran Seychelles sidii dhakhso loogu wareejin lahaa geyigooda.

Exit mobile version