Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiir Saalax oo digniin u diray shacabka Puntland

Garowe-RisaalaFM- Wasaaradda Cadaalada Puntland ayaa uga digtay dadka ku nool Magaalooyinka waa weyn ee Puntland in guryahooda lagu sameeyo waxyaabaha anshax xumada, xilli ciidamada Booliska Puntland maalmo ka hor ay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro lagu eedeeyay inay sameynayeen waxyaabo aanan wanaagsaneyn.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in dhammaan goobaha lagu daawado waxyaabaha ka hor imaanaya dhaqanka wanaagsan iyo Diinta islaamka in ay ula dagaalami doonaan sida loola dagaalamo Al-shabaab.

Wuxuu sheegay guri kasta oo lagu arko, iyadoo laga abaabulaayo waxyaabo aanan wanaagsaneyn oo Culimadda horay uga digeen in Puntland ay la wareegi doonto gurigaasi.

“Intii waana qaadan weyso talaabo sharci ayaa laga qaadaa, dhammaan goobaha lagu daawado waxyaabaha ka hor imaanaya dhaqanka wanaagsan, waxaan ula dagaalami doonaa sida Al-shabaab”. Ayuu yiri Wasiir Saalax.

Muddoyinkan dambe Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa waxaa ku soo kordhay dhalinyaro Koox koox u abaabulan, kuwaasi oo xilliyada habeenkii ah guryaha ku sameeya waxyaabo aanan wanaagsaneyn.

Exit mobile version