Wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si rasmi ah u furay wajiga 2-aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiraan.
Shirkan oo muddo labo bilood ah hakad ku jirey ayaa ugu dambeyntii waxaa maanta ku sugnaa madasha shirka lagu furayay inta badan hogaamiyaasha dhaqanka bulshada ku nool labada gobol.
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa furitaanka wajiga 2-aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo ka hadlayay furitaanka shirkan ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay dowladda federaalka dhismaha maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in dowladda ay muddo dheer u soo adkeysanaysay in shirkan uu hakad ku yimaado, haatana ay ku wareejisay in ay shirka hormuud ka noqdaan duubabka dhaqanka.
Wasiirada maanta gaaray magaalada Jowhay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Qaranka,Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyradka Badda,Wasiirka Batroolka,Wasiiru Dowladaha Maaliyada,Wasiiru Dowlaha Arimaha gudaha,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada,
Shirka maamul u sameynta labada gobol ayaa waxaa weli ka maqan qaar ka mid ah oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Hiiraan.
