Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiir ku dhintay da’da 100 Sano

Joseph Otiende, oo ahaan jiray wasiirka ugu horeeyay  waxbarashada Kenya ayaa  dhintay sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan dalka Kenya.

Otiende ayaa ku dhintay  100 Sano , Isbitaal ku yaalla gobolka Kisumu ee Dalka Kenya.

Wiilkiisa oo lagu magacaabo Maleya Chanzu ayaa  sheegay  Otiende in uu saaka geeriyooday , islamarkaana isbitaalka uu jiray labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Joseph Otiende ayaa ahaan jiray Wasiirkii Waxbashada dalka Kenya sanadyadii 1963 iyo 1969.

 

 

 

Exit mobile version