Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiir Jamaal oo si adag ugu jawaabay xildhibaankii waday dooddii aqoonsiga Somaliland

Wasiirka Qorshaynta ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Jamaal ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.”

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

Exit mobile version