Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiir Goodax Barre oo QM kala hadlay saameynta Waxbarashada ee COVID-19

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulan dhinaca Internet-ka ah waxaa uu la qaatay Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen qorshaha wasaaradda ugu tala-gashay in ay kaga jawaabto saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada.

“Waxaan kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan. Waxaan kala hadlay qorshaha wasaaradda ugu tala-gashay in ay kaga jawaabto saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan sidoo kale kawada hadalnay shaqooyinka naga dhexeeya Hay’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Waxbarashada ayuu yiri” Wasiir GoodaxBarre .

Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus ayaa waxaa saameyn ballaaran uu ku yeeshay Waxbarashada dalka,waxaana la fasaxay Goobaha Waxbarashada ee dalka,sida Iskuulada iyo Jaamacadaha.

Exit mobile version