Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiir cayriyey Ku-xigeenadiisa & Wasiiru-dowlihii

Wasiirka Difaaca ee Ukraine ayaa waxa uu shaqadii ka wada cayriyey dhamaan Ku-xigeenadiisa iyo Wasiiru-dowlihii.

Xil-ka-qaadistaasi waxay wada saamaysay lixdii wasiir-ku-xigeen ee Wasaaradaasi, kuwaasi oo kala ah: Hanna Maliar, Volodymyr Havrylov, Rostyslav Zamlynskyi, Denys Sharapov, Andrii Shevchenko iyo Vitalii Deineha.

Sidoo kale, Wasiiru-dowlihii Difaaca ee dalkaasi,Kostiantyn Vashchenko ayaa isagana waayey Xilkiisa.

Bishan September 6-dii, waxaa Wasiirka Difaaca ee dalka Ukraine loo magacaabay Siyaasi Rustem Umerov oo ah Muslim asalkiisu Turkish yahay, wuxuuna xilka kala wareegay Wasiirkii hore oo lagu magacaabo Oleksii Reznikov.

Exit mobile version