Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Wasaaradda Gaadiidka oo amar kusoo rogtay Gaadiidleyda

Wasaarada Gaadiidka ee dowladda Soomaaliya ayaa amar cusub duldhigtay dhammaan gaadiidleyda ka howgalaha gudaha dalka Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Cali Gacal ayaa sheegay in dhammaan Gaadiidleyda looga baahan yahay in ay galaan ceymis , waxaana uu xusay Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka in hadii ay galaan Ceymis Gaadiidleyda in ay ka helaayaan Faaidooyinka duwan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan in ciidanka Taraafida dowladda Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigaan cidii fulin waysa arintaasi.

Wasaarada Gaadiidka ayaa sidoo kale sheegay in ay ku daadaali doono sidii arintaasi ay ku hirgali laheyd , islamarkaana ay Qarash badan ku bixin doonaan in ay Gaadiidleyda ay galaan ceymiska.

Taliyaha Ciidanka Waddooyinka Cabdinaasir Dalab ayaa sheegay   in Ciidamada Taraafikada ay ku amran yihiin in ay fuliyaan howshaasi , waxaana uu sheegay in ciidanka Taraafida degmooyinka Gobolka Banaadir lagu amri doono in ay qaadaan tilaabadaasi.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/10/Agaasimaha-wasarada-gadiidka.mp3?_=1
Exit mobile version