Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasaaradda Caafimaadka oo ku dhawaaqday joojinta baaritaanada cudurka Karoonaha

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS iyada oo ka amba qaadaysa hoos u dhaca xoogga ah ee ku yimid Caabuqa COVID-19 islamarkaana ku xisaabtamaysa mashaariicda baahinta talaalka caabuqa COVID-19, Waxa ay ku dhawaaqday joojinta baaritaanada cudurka Karoonaha.

Qodobada kasoo baxay Wasaaradda ayaa siddaan  u qornaa:

  1. Dhammaan dada ka safraya Soomaaliya loogama baahna Warqadda Caddeynta Baaritaan ee Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
  2. Dhammaan dadka usoo safraya Soomaaliya loogama baahna in ay la yimaadaan Warqadda Cadeynta Baaritaanka Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
  3. Dadka ka dhoofaya Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay iska hubiyaan una hoggaansamaan sharuudaha iyo habraacyada Wadamada ay u socdaan ee la xariira COVID19.

Wasaaradda Caafimaaka iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku dhiiri galinaysay muwaadaniinta in ay joogteeyaan tallaabooyinka ka hortagga halista Caabuqa COVID-19.

Waxay sidoo kale ku dhiiri galinaysay muwaadaniinta in ay qaataan Talaalka COVID-19 kana ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda khatarta Caabuqa.

Exit mobile version