Wasaaradda amniga xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa balan qaaday Nolosha caruurtii ay ka geeryoodeen Askartii xalay ku dhimatay weerarkii ka dhacay muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda aminga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa waxaa uu sheegay inaan marnaba la iloobi doonin askartii xalay difaacday sida uu wasiirku uu sheegay weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadeen goobo badan oo ka tirsan muqdisho, gaar ahaana Hotel SYL.
Waxaana uu sheegay wasiirku in Taliska Nabad sugidda Qaranka uu ku amrayo in ay la socdaan oo ay bixiyaan mushaarka caruurtii Askartii xalay ku dhimatay weerarkii magaalada muqdisho.
