Wasaaradda caafimaadka Dowlada Federaalka ah Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaarisay buug caafimaad, shaqaale iyo qalabkii loogu talo-galay in loogu adeego xujeyda Soomaaliyeed.
Buuggaan ayaa loogu tala galay dadka dal dibaddiisa aadaya gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in ay diyaariyeen Buuggaan laakiin Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay dhibaato ku heyso oo aysan u ogoleyn maamulidda howlaha Caafimaadka gobolka Banaadir.

