Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wariye ka badbaadday isku day dil oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho 2da Sebteembar 2026.

Wariye Nimco Muhudiin Maxamed (Cardoofe), oo ka tirsan Somali Cable TV, ayaa ka badbaadday isku day dil oo ay rag hubeysan ku qaadeen xilli ay ku sii jeedday hoygeeda oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee shalay.

Laba nin oo wejiyada duubtay, kuna socday mooto Fekon ah, ayaa rasaas ku furay wariyaha, balse way ka badbaadday weerarka. Ciidamada ammaanka degmada Waaberi ayaa goobta gaaray, waxaana baaritaanno hordhac ah lagu sheegay in weerarka looga shakisan yahay kooxda Al-Shabaab.

Nimco oo aan la hadalnay ayaa xaqiijisay in ay ka badbaadday weerarka, iyadoo sheegtay in muddooyinkii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaysay hanjabaado la xiriira wararka ay ka tabiso.

Weerarkan ayaa mar kale muujinaya khatarta iyo cadaadiska ay wajahaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka warrama arrimaha amniga iyo falalka kooxda Al-Shabaab.

Exit mobile version