Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wareysi:- Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ka ka sameeyay inta u dhexeysa degmada Galcad iyo Deegaanka Baraag Shiikh Caamir ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Uurka Al-Shabaab.

Laba Xidigle Cabdi Maxamuud Tooxow oo kamid ah Saraakiisha howlalka hoggaaminayay ayaa sheegay in howlalka ay ku baadi goobayaan sarkaal katirsan Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Daahir Calasow.

Laba Xidiglaha oo Wareysi siiyay Radio Risaala ayaa sheegay in howlgalka ay Al-Shabaab  looga furtay Gaari NOAH ah iyo hubkii ay wateen, isla markaana ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2023/06/Wareysi-laba-xiidglaha.mp3?_=1
Exit mobile version