Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wareega 1aad ee Doorashada Madaxtinimada Waqooyi Bari oo la Soo Afmeeray iyo natiijada

Waxaa dhammaatay tirinta codadka wareegga Koowaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, taasi oo ka socota magaalada Laascaaanood ee Gobolka Sool.

Wareegga Koowaad waxaa ku tartamay Shan musharrax, waxaana codeeyay 81 xildhibaan, 1 cod ayaa halaabay, waxayan musharraxiinta codadka u kala heleen sidan:-

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo Natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in wareega labaad ee doorashada la guda geli doono,isla markaana ay isugu soo hareen musharixiinta kala ah.

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)    36 COD

Cabdirisaaq Khaliif Axmed                      20 COD

Waxaana hadda la guda gali doonaa wareega labaad ee doorashada madaxtinimada ee maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Exit mobile version