Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Hotel Naasa Hablood 1

Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar toos ah lagu qaaday Hotelka Naasa hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM4 ee magaalada Muqdsho.

Qarax xoogan ayaa lagu dhuftay Albaabka hore Hotelka Naasa Hablood 1 waxaana la sheegaya intaas ka dib in ay gudaha u galeen dableey Hubeysan.

Gudaha Hotelka ayaa la sheegaya in ay ka dhacaayaan rasaas xoogan oo ay ridayan kooxihii gudaha u galay Hotelka Naasa Hablood 1

Sidoo kale waxaa la sheegaya in ay burbureen goobihii ganacsiga ee ka agdhawaa hotelka .

waxaa sidoo kale gubanaysa kaalin shidaal oo la sheegay in ay ka soo horjeedo hoteelka Naaso Hablood 1.

Warar kale ayaa sheegaya in qarax labaad laga maqlay meelo ku dhow hotelka.

Ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxyna ku howlanyihiin soo afjarida weerarka.

Khasaaraha ka dhashay lama oga .

Waxii kusoo kordha kala Risaala.net

Exit mobile version