Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wararkii ugu dambeeyay kulamada ka socda Dhuusamareeb

Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo kala duwan Magaalada Dhuusamareeb kula leh Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Ahlusunna.

Kulamaddan ayaa soo bilowday xalay, waxaana ay socdaan ilaa Caaway mana jirto wax qodob ah oo  laga soo saaray.

Kheyre ayaa doonaya in uu heshiis la gaaro maamulka Ahlusunna ee gacanta ku haaya Awoodda maamulka Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb heshiiska ayaa ku aadan in Ciidanka Ahlusunna ay ka mid noqdaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa horay heshiis Magaalada Cadaado kula gaaray Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxaana hadda socda dadaallo xooggan oo dib u heshiis ah.

Exit mobile version