Waxaa weli kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ay Muqdisho uga socdaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulamada ayaa waxaa sigaar ah looga hadlayaa dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo.
Saacadihii la soo dhaafay kulamadii dhacay ayaa xogaha laga helayo waxaa ay sheegayaan in aad looga dooday Arrimaha la xiriira Magacaabista Guddiga doorashada heer feeraal & Heer dowlad Goboleed iyo sidoo kale Goobta labaad oo lagu qabanayo doorashada Baarlamaanka marka laga reebo Caasimadda Maamul Goboleedyada.
Wararka la helayo e horudhaca ah ee soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxda ay isku raaceen Magacaabista Guddiyo saddex ah, kuwaas oo ka Shaqeynaya arrimaha doorashooyinka.
Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa dib ugu laaban doona degaannadooda si ay latashiyo ula soo sameeyeen Bulshada & Xildhibaannada maamulada si ay u soo Magacaabaan Xubnaha dhinacooda ka socda ee Guddiga doorashooyinka.

