Wararka inaga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii ugu dambeeyey uu Ra’iisulwasaare Sharmaake shirar gaar-gaar ah la qaadaneyey Siyaasiinta & Qeybaha bulshada oo ay isla soo qaadeen In ay qaataan Nidaamka 4.5.
Ka qeybgalayaasha kulamadaas qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in aysan waxba Natiijo ah ka soo bixin, waxaana taasi ay sii fogeynaysaa rajada laga qabi karo in ay waxuun isku afgartaan labada dhinac.
wararka qaar ayaa waxa ayaa waxa ay sheegayaan in maanta oo Khamiis ah labada dhinac ay dib isugu laabtaan, suuragalna ay tahay in uu soo baxo warsaxaafadeed, kaas oo ku saabsan waxyaabihii laga wada hadlay, laguna balan qaadayo in dib ay dhinacyadu iskugu laaban doonaan, oo uu sidaas ku tagi doona Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.
Mudane Sharmaake ayaa booqashadiisa Puntland ayaa waxaa la sheegay in uu ku soo gaba gabeen doono gobalada Barri & Karkaar oo uu tagi doono, wuxuuna halkaas kula kulmi doona Isimada halkaas ka soo jeeda.
Sida hadda muuqata Puntland waxa ay markale diiday nidaamka 4.5-ka, waxaana doorashada ka haray waqti yar, iyadoo ka dib lafilayo in ay Puntland yimaadaan wakiilada caalamka oo ay u tahay safarkoodii labaad oo ay ku doonayaan in la qaato nidaamka 4.5.
