Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wararkii ugu dambeeyay ee isku shaandheynta Wasiirada K/Galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in saacaddaha soo socda  uu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulamo la qaadanayay maalmahan Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo kala tashanayay isku shaandheynta , waxaana la sheegay in uu soo gabagabeeyay Shalay gelinkii dambe Maanta lagu dhawaaqi doono Wasiiradda.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa badankood sheegay in ay ka codsadeen Madaxweynaha in isbadal lagu sameeyo Golaha Wasirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan Wasiiro aanan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday.

Maamulka Koofur Galbeed oo labo sano ka hor lagu dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, wuxuuna sameeyay hormar aan sidaas u badneyn.

Exit mobile version