Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhexmaray duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkaan oo salka ku haayo arimo ku aadan dhul Daaqsimeed ay isku qabteen labada maleeshiyo beeleed, ayaa waxaa ku dhintay 3 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale.
Waxaana 2-da qof ee dagaalka ku dhaawacantay la geeyay xarunta caafimaad oo ku taal xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Deegaanka Qarancad oo saakay dagaalka uu ka qarxay ayaa hada la soo sheegayaa in dagaalka uu istaagay, waxaana xaalada hada ay tahay mid degan.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin dagaalkaan saakay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne.
Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu ka socdo shirka dib uheshiisiinta waxgaradka ka soo jeeda Hiiraan.
