Sida ay baahiyeen Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab Diyaarad Nuuca Duuliye la’aanta ah ay ku soo dhacday Degaanka Goobaale oo hoos yimaada magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen diyaarad Drone ah tasoo kusoo dhacday deegaanka Goobaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaarado ay kusoo dhacay meelo dhagaxaan badan oo ku dhow deegaanka Goobaale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Waxay Shabaab ku sheegeen baraha ay wararka ku faafiyaan in diyaaradan laga leeyahay dalka Mareykanka ayna kusoo wargeliyeen dadka deegaanka markii ay diyaaradaasi soo dhacday.
Waxay Shabaab sheegeen in diyaaradaan ay kasoo kacday deegaanka Balidoogle oo saldhiga u ah ciidanka AMISOM kaasoo 70 km u jira deegaanka ay diyaarado kusoo dhacday .
Al-Shabaab ayaa sheegay in ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan burburka diyaaradaas Drone-ka ah .
