Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wararkii ugu dambeeyay dad xalay lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka aan ka heleyno degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan xalay fiidkii gudaha degmadaasi ay ku toogteen laba qof.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegeen dilkan inuu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Xaafada Xoosh iyo Ex-Control Afgooye, islamarkaana wiilasha la dilay ay ahaayeen walaalo.

Ragga la dilay oo magacyadooda lagu soo koobay Faarax iyo Saneey ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka dowladda, sidaasina loo beegsaday.

Sida caadada aheyd ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaa waxa ay tageen halka ay ka dhacday toogashada, waxayna sameeyeen baaritaano aanay jirin cid lagu soo qabtay, maadaama ay baxsadeen dableyda.

Iyada oo habeen iyo maalin ay shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa hadana kooxaha hubeysan waxa ay geystaan dilal waqtiga ay doonaan iyo meesha doonaan inay ka fuliyaan.

Exit mobile version