Saraakiisha caafimaadka dalka Ciraaq, ayaa xaqiijiyay geerida 30 ruux oo ka mid ahaa dad ku sugnaa goob Xaflad aroos ay ka dhaceysay oo ku taallo dalka Ciraaq.
Xafladda arooska ayaa waxa ay ka socotay xaafadda Hajjaj oo ku taalo Waqooyiga dalka Ciraaq, gaar ahaan meel 20 KM u jirta Magaalada Tikrit.
Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay goobta xafladda in lagu weeraray labo qarax oo loo maleynaayo inay isku soo xireen dad soo dhex galay goobta xafladda arooska ay ka dhaceysay.
Dadka goobta isku qarxiyay, ayaa la sheegayaa inay xirnaayeen Suumanka qaraxyada, kadibna ay dhexda ka galeen dadkii u dabaaldegaayay arooska, mar kaliyana ay isku qarxiyeen.
Dadka uu dhaawaca ka soo gaaray qaraxyadaan ayaa waxaa loola cararay Isbitaallada,iyadoo saraakiisha caafimadka ay sheegeen in Khasaaraha uu intaas ka badan karo.
Wali cidana ma sheegan mas,uuliyadda qaraxyadaan lala beegsaday xafladda Arooska, balse qaraxyada caynkaan oo kala ah ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ka dambeeyaan ururka Daacish.
