David Moyes ayaa la filayaa inuu wadahadalo la furo Newcastle United si uu u badelo Steve McClaren oo shaqada laga ceyrin doono. (Sunday Telegraph)
Chelsea ayaa doonaysa in ay dib-usoo celiyaan weeraryahanka 22-sano jirka ah ee Everton Romelu Lukaku, laakiin waxay yeelan doonaan inay laba jibaaraan £ 28m ee markii hore ay ku iibiyeen laba sano ka hor (Sun on Sunday)
Lukaku ayaa sidoo kale diirada waxay u saran tahay kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich, tasoo wakiilo hore ugu soo dirtay. (Sunday People)
Tababarihii hore ee kooxda haddi uu shaqada kala wareego Louis van Gaal dhamaadka xilli ciyaareedka. (Sunday Mirror)
Manchester United ayaa dooneysa inay dib-u-soo ceshato weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo,oo 31 jir ah, xagaagan. (Sunday Express)
Waxay sidoo kale ay qorsheynayaan in £ 40m ay kusoo qaataan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos ah, oo 26 jir ah. (Daily Star on Sunday)
Tababaraha Italy Antonio Conte ayaa lagu wadaa inuu la kulmo milkiilaha Chelsea Roman Abramovich toddobaadkan, (Mail on Sunday)
Chelsea ayaa wada xaajood kula jirta Paris St-Germain si ay isugu badashaan weeraryahanka Diego Costa, oo 27 sanno jir ah, iyo Edinson Cavani, oo 29 jir ah, (Le 10 Sport -)
Manchester City iyo Chelsea ayaa ku dagaali doona xagaaga ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba, oo 22 jir ah, iyadoo labada kooxood mushaar isku mid ah ay usoo gudbiyeen oo ah £ 300,000 toddobaadkii (Daily Star)
Real Madrid ayaa dooneysa inay la soo wareegto 19-jirka khadka dhexe ee Tottenham Dele Alli (Don Balon – Spanish)
Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa doonaya inuu la soo wareego kaliya seddex ciyaaryahan oo heer caalami ah xagaagan – kuwasoo ku kacaya £ 150m- (Mirror)
Manchester United ayaa ugu cad cad lasoo wareegida Weeraryahanka £ 20m lagu qiimeeyo ee Watford Odion Ighalo, oo 26 jir ah. (Sunday People)
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa la siin doonaa £ 100m oo suuqa ciyaartooy kaga iibsado ( The Sun)
