Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta degan, sida uu soo sheegayo Wariyaha Idaacadda Risaala ee Magaaladaasi.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mararka qaar laga maqlayaa Rasaas goos goos ah oo ay is weedaarsanayaan labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo dejin lahaa xaalada Magaaladaasi, waxaana weli socota waan waan.
Dad fara badan ayaa maalmihii u dambeeyay ka barakacayay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
ka dib dadaal dheer oo ay Galeen ganacsatada iyo sidoo kale waxgaradka gobolka Mudug, ayaa waxaa suurta gashay in xalay ay Isdhaafsadaan maxaabiis maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku dagaalsan Magaalada Gaalkacyo.
Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Mudug oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada iyo sidoo kale waxgaradka gobolka Mudug ay suurta geliyeen in la isdhaafsado dadkii labada dhinac ay maalmihii lasoo dhaafay kusoo qabteen dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Nabadoonka ayaa sheegay in dadkaasi ay u badnaayeen dad shacab ah oo kasoo kala jeedada maamulada Puntland iyo Galmudug.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Waxgaradka iyo sidoo kale Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo ay wadaan waan waan ay ku doonaayaan in ay ku kala qaadaan ciidamada isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.
