Shaki badan ayaa ku jira haddii uu Yaya Toure taam u ahaan doono kullanka semi-finalka Champions League-ga ee Real Madrid,kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray cayaartii Stoke oo ay kooxdiisa ku badisay 4-0-ta.
Manuel Pellegrini ayaa dadaal badan sameyay kadib markii uu nasiibo u diray Vincent Kompany iyoKevin de Bruyne halka David Silva, Sergio Aguero iyo Fernando la baddelay qeybtii 2-aad ee kullankii Stoke City.
Toure aya adagaal adag la heli doono waqtiga si uu ula dheelo Real Madrid oo lugta kowaad ee tartanka Yurub soo booqaneysa garoonka Etihad.
