Bayern Munich ayaa dooneysa inay ku hormarto saxiixa da’yar khadka dhexe Thill uu u ciyaara Naadiga Metz.
Wargyeska L’Equipe ayaa soo ogaaday in Munich ay tartan adag la geli doonto kooxo dhowr ah oo laacibkaan doonaya.
16-jirkaan ayaa noqday xidigii ugu da’da yaraa ee taariikhda u safta xulka qaranka Luxembourg kulan heer caalamiya lex kulan ayuuna u ciyaaray xulkaan, isagoona gool u dhaliyay taasoo la micno in ciyaaryahankii ugu horeeyay ee dhashay 2000 uu dhaliyo gool caalami ah.
Sidoo kale waxaa loo gacan geliyay inuu ka soo muuqdo kooxda koowaad ee Metz xilli ciyaareedkaan wakiilo ka socda Bayern ayaana xidigaan si weyn u daawanayay maalmahaan.
Horyaaliinta Jarmalka ayaa diyaar la ah lacag gaareysa €6 milyan oo ay kula soo saxiixdaan da’yarkaan sida weyn loo qimeeyo balse tartan culus ayay ka kulmi doontaa kooxaha Chelsea, Manchester City, iyo Barcelona.
