Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wakiilka Willian oo Gaaray Spain

Saraakiisha Barcelona ayaa la filayaa inay la kulmaan wakiillada xiddiga Chelsea Willian maalmaha soo socda, iyagoo doonaya inay la soo wareegaan xiddiga garabka ka ciyaara, sida laga soo xigtay ‘SPORT’.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa dooneysa inay ku darto weeraryahan kale booska weerarka kooxda xagaagaan, iyadoo su’aal laga keenay mustaqbalka Ousmane Dembele marka uu yimaado Willian.

Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, wakiilada ciyaaryahanka ayaa durbadiiba gaaray Spain si ay isku dayaan dhameystirka wadahadalka 29 jirkaan ugu dhaqaaqayo Barcelona.

Inkastoo Blues kasoo diiday Barcelona saddex dalab oo ay hore ugudbiyeeen, haddana wali Blugrana weli kama quusan sidii ay ku heli laheyd ciyaaryahanka.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Maurizio Sarri ayaa doonaya inuu heysto ciyaaryahano farxad leh oo diyaar u ah inay difaaacaan kooxda, taasoo micnaheedu yahay in qof kasta oo aan ku faraxsaneyn kooxda uu bixi doono.

Exit mobile version