Kooxaha qaaradda yurub ayaa dhamaan dareemay farxad ku aadan iney heli karaan adeega ciyaariyahanka khadka dhexe kooxda Paris Saint Germain Marco Verratti madama wakiilkiisa uu ka dhawaajiyay xidigaan heerka caalami inuusan ku faraxsanen garoonka Parc des Princess.
Tan iyo sanadkii hore waxaa jiray warar aan sal laheyn oo la xiriira mustaqbalka xidigaan ee kooxda Paris Saint Gemain madama ay aad u daneynayaan kooxaha Inter Milan, Juventus, Barcelona, Chelsea iyo Manchester United kuwaas oo aad ugu baahan xidigaan.
24-jirkaan wakiilkiisa oo lagu magacaabo Donato Di Campli ayaa shidaal kusii shubay dabkii ka shidna mustaqbalkiisa wuxuuna soo jeediyay in xidigaan uusan ku heli karin waxa uu ku haminayo PSG.
“Marco wuxuu doonayaa inuu guuleysto mana awoodo inuu waqtigaan ku sameeyo PSG” Ayuu yiri isago la hadlayay Gazzetta Dello Sport.
“Wuxuu Paris joogaa shan sano, wuxuuna haatan maankisa weydiinayaa: miyuu doonayaa inuu helo hanti badan isagoon wx ku guuleysan ama inuu koob gacanta ku dhigo si uu u noqdo horyaal?
“Xaalada aad bey u cakiran tahay, sababtoo ah heshiiskiisa dheer, mana ahan dhibaato dhanka lacagaha ah”
“Hal mid ayaa hubanti ah, hadii uu ka tago PSG, wuxuu aadi doonaa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub”
Ugu dambeyntiina Verratti ayaa aad ugu baahi qaba inuu ku guuleysto koobka horyaalada yurub sidoo kalana uu ku guuleysto mid ka mid ah horyaalada ugu waaweyn qaaradda yurub.
