Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wafdigii gaaray Jowhar oo la kulmay Xildhibaanada Hirshabelle

Jowhar-RisaalaFM- Wafdigii ay Xukuumadda Somaliya u dirtay Magaalada Jowhar, si ay u fara-geliyan xiisadda siyaasadeed ee ku soo korortay Maamulka Hirshabelle, ayaa maanta magaaladaasi kula kulmay Xildhibaanada Hirshabelle & Odayaasha Dhaqanka.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka, Cabdi Faarax Saciid (Juxaa), ayna wehlinayeen Wasiirada Amniga, Waxbarashada & Xildhibaano, ayaa Xildhibaanada iyo Odayaasha Dhaqankaba kala hadlay xiisadda u dhaxeyso Masuuliyiinta Hirshabelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo kulankaasi ka hadlayay, ayaa marka hore sheegay inay aad iyo aad u soo dhaweynayan wafdiga uu soo diray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyaha, ayaa goobta ka sheegay in sagaal Xildhibaan mooyee ay intii kale kulanka ku sugan tahay, iyadoo Baarlamaanka Hirshabelle uu ka kooban yahay 98 Mudane. Wuxuu sheegay Xildhibaanada maqan in qaarkood shaqo ku maqan yihiin, halka qaarka kalena ay fasax ugu maqan yihiin, iyagoo xanuunsanaya, sida uu yiri.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa wafdiga u sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Xildhibaanada, taasina uu ku cadayn karo, sida Xildhibaanada ay u soo xaadireen kulankaasi.

Dhanka kale wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Juxa, ayaa Magaalada Jowhar kula kulmay Madaxweyne Cosoble, iyadoo aan faah faahin laga hayn waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Madaxweynaha Hirshabelle ee kalsoonida lagala laabtay, ayaa Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre si xoogan ugu eedeeyay in uu dhaqaale ku bixiyay burburinta Maamulka Hirshabelle.

Exit mobile version