Wafdi sare oo ka socda dowladda Mareykanka, kana kooban 12 xubnood oo isugu jira xubno ka tirsan Aqalka Koongareeska iyo saraakiil ciidan oo ka socda Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa la filayaa inay maanta booqasho ku kala tagaan maamullada Jubbaland, Puntland iyo Somaliland.
Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, wafdiga ayaa lugta koowaad ee safarkooda ka bilaabi doona magaalada Kismaayo, ka hor inta aysan u sii gudbin magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda maamullada.
Booqashada ayaa lagu sheegay mid diiradda lagu saarayo xog-ururin ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya, gudbinta siyaasadda cusub ee Washington ee ku wajahan Soomaaliya, iyo la-tashiyo ay la yeelanayaan madaxda maamullada ka hor shirka muhiimka ah ee looga hadlayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo ka furmaya magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Shirka Kampala ayaa la filayaa inuu socdo muddo saddex maalmood ah, waxaana si wadajir ah u hoggaaminaya dowladda Mareykanka iyo Midowga Afrika. Waxaa ka qeyb geli doona madax, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ee dalalka ciidamada ku taageera Soomaaliya (Troop Contributing Countries – TCCs).
Kulanka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro dib-u-eegista howlgalka AUSSOM iyo wada-hadallo heer sare ah oo lagu go’aaminayo jihada iyo mustaqbalka howlgalka nabad-ilaalinta ee Soomaaliya, xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo kala-guurka mas’uuliyadda amniga dalka.

