Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa si weyn usoo dhaweeyay Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka.
Ujeedka ay u gaareen Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in ay tahay xalinta Xiisad dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Bariga gobolka Mudug.
Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay Weeraro badan oo ay geysteen Kooxo hubeysan ,taasoo sare u qaaday Xiisadda gobolka Mudug.
Waxaa lagu waddaa in uu la kulmo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda Gaalkacyo ku sugan.

